U bood dhigaalka

Hay’adaha Caalamiga ah oo ku Baaqaya in  Taageero Degdeg ah loo dad ay samaysay colaadda Suudaan

Ogoosto 5, 2026

Ururka Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas (IFRC) ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay si degdeg ah u kordhiyaan taageerada bani’aadannimo ee Suudaan, isagoo ka digay in hoos u dhaca dhaqaalaha gargaarka uu halis gelinayo malaayiin qof oo ay saameysay colaadda dalkaasi.

Ergeyga gaarka ah ee IFRC u qaabilsan Suudaan, Derk Segaar, ayaa sheegay in Suudaan ay weli tahay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ugu waaweyn dunida, balse aan helin dareenka iyo taageerada ku filan ee caalamka.

Dagaalka Suudaan oo billowday bishii Abriil 2023, kana dhex qarxay ciidamada dowladda iyo kooxda RSF, ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 59,000 oo qof, inkastoo hay’adaha gargaarku ay rumeysan yihiin in tirada dhabta ahi ay intaas aad uga badan tahay.

Warbixinta ayaa xustay in 35 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar bani’aadannimo, halka in ka badan 9 milyan oo qof ay ku barakaceen gudaha dalka, iyadoo 4.5 milyan oo kale ay u qaxeen dalalka deriska ah.

Gobollada Kordofaan iyo Daarfuur ayaa weli wajahaya dagaallo culus, halka magaalada Khartuum ay ka jiraan koronto la’aan, biyo yari, adeegyo caafimaad oo burburay, iyo halis sii kordheysa oo ka dhalatay cudurka daacuunka, nafaqo-darrada iyo fatahaadaha.

Dhanka militariga, taliye ku xigeenka ciidamada Suudaan, Jeneraal Yaasir Al-Atta, ayaa sheegay in ciidamadu ay ka socdaan guluf dagaal oo ka socda dhammaan jihooyinka, isagoo ku hanjabay in ciidamada RSF laga saari doono goobaha ay ka joogaan dalka ka hor dhammaadka sanadkan.

Qaramada Midoobay ayaa xoojisay dadaallada dib loogu soo nooleynayo wada-hadallada siyaasadeed, ayadoo wakiillo ka socda Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta ay la kulmeen hoggaamiyeyaasha rayidka Suudaan si loo dardargeliyo geeddi-socodka nabadda iyo dhismaha kalsoonida.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale xaqiijisay in ergaygeeda gaarka ah ee Suudaan, Pekka Haavisto, uu wada-hadallo la leeyahay hoggaamiyaha RSF, Jeneraal Maxamed Xamdaan Dagalo (Hemedti), si loo yareeyo xiisadda loona abuuro fursad lagu gaaro xal siyaasadeed oo waara.

Si kastaba ha ahaatee hay’adaha gargaarka ayaa ugu dambeyn ku baaqay in beesha caalamku si degdeg ah u kordhiso maalgelinta iyo gurmadka bani’aadannimo si looga hortago in xaaladda Suudaan ay isu beddesho masiibo ka sii daran tan hadda jirta.