U bood dhigaalka

SACUUDIGA OO MAGACAABAY TALIYAHA CUSUB EE HOGGAAMINAYA ISBAHAAYSI CIIDAN OO AY SOOMAALIYA XUBIN KA TAHAY

Ogoosto 6, 2026

Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday magacaabista Admiral Abdullah bin Salem Al-Shehri oo loo magacaabay taliyaha hoggaaminaya ciidamada isbahaysiga cusub ee ay ku mideysan yihiin dalal ka tirsan dunida Islaamka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudiga ayaa Admiral Abdullah bin Salem Al-Shehri ku tilmaantay sarkaal ciidan oo leh khibrad sare iyo hoggaan militari oo heer wanaagsan, iyadoo magacaabistiisa lagu tilmaamay tallaabo muhiim u ah isku-dubbaridka ciidamada dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga.

Isbahaysigan oo Sacuudigu ku dhawaaqay 30-kii July 2026 ayaa waxaa xubno ka ah Sacuudiga, Soomaaliya, Bahrain, Bangladesh, Comoros, Jabuuti, Masar, Urdun, Kuwait, Pakistan, Qatar, Sudan, Türkiye iyo Yemen.

Magacaabista Admiral Al-Shehri ayaa kusoo beegmaysa xilli dalalka gobolka ay si gaar ah diiradda u saarayaan amniga iyo ilaalinta marin-biyoodka muhiimka ah, gaar ahaan Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab Al-Mandab.

Soomaaliya oo ku jirta dalalka xubnaha ka ah isbahaysigan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah qorshayaasha amniga badda, maadaama ay leedahay xeeb ka mid ah kuwa ugu dheer Afrika, isla markaana ay ku taallo meel istiraatiiji ah oo isku xirta Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Magacaabista taliyaha cusub waxay muujin kartaa in isbahaysigu u gudbayo marxalad cusub oo diiradda lagu saarayo isku-xirka ciidamada, ilaalinta marin-biyoodka iyo xoojinta iskaashiga amni ee dalalka xubnaha ka ah.