U bood dhigaalka

Xiisadda Cusub eeTigrey iyo saameynteeda gobolka

Ogoosto 6, 2026

Inkastoo heshiiskii nabadda ee Pretoria ee la saxiixay bishii Nofeembar 2022 uu soo afjaray dagaalkii labada sano socday ee u dhexeeyay dowladda federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigraay (TPLF), haddana gobolka Tigraay ayaa mar kale wajahaya xiisado siyaasadeed iyo kuwo militari oo sii xoogeysanaya.

Horumarradii laga sameeyay nabadda ayaa u muuqda kuwo dib u dhac ku yimid, iyadoo dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo is eedeyn siyaasadeed ay sare u qaadeen walaaca laga qabo in dagaal ballaaran uu mar kale qarxo.

Bilihii u dambeeyay waxaa sii kordhay khilaafka u dhexeeya maamulka Tigraay iyo dowladda federaalka Itoobiya, ayadoo dowladdu ay ku eedeysay maamulka Tigraay inuu dib u abaabulayo ciidamadiisa isla markaana uu ku howlan yahay askareyn qasab ah oo lagu qoranayo dhalinyaro iyo dad rayid ah si loogu daro ciidamada.

Dowladda ayaa sidoo kale qabanqaabisay dibadbaxyo ka dhacay Addis Ababa oo lagu cambaareeyay tallaabooyinkaas, halka qaar ka mid ah mucaaradka ay dowladda ku eedeeyeen inay bulshada u diyaarinayso dagaal cusub oo ka dhan ah Tigraay.

Dhanka kale, hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay inay heleen warbixino muujinaya in dhallinyaro si sharci darro ah loogu qasbay inay ku biiraan ciidamada Tigraay.

Maamulka gobolka ayaa si cad u beeniyay eedeymahaas, isagoo ku dooday in lagu hayo olole siyaasadeed oo lagu wiiqayo sumcaddiisa.

Xiisadda ayaa isu beddeshay iska horimaadyo hubeysan oo ka dhacay deegaanno ku dhow xadka Itoobiya iyo Eritrea.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay adeegsadeen hub culus iyo duqeymo cirka ah, iyadoo dagaalladu ay gaareen deegaanno u dhow xadka Suudaan.

Khubarada amniga ayaa aaminsan in fiditaanka colaadda ee xuduudaha dalalka deriska ah uu muujinayo in heshiiskii Pretoria uu wajahayo caqabaddii ugu weynayd tan iyo markii la saxiixay.

Dowladda Itoobiya ayaa Eritrea ku eedeysay inay saameyn ku leedahay colaadda, halka sidoo kale walaac laga muujiyay in colaadda ka jirta Suudaan ay sahli karto dhaqdhaqaaqa hub iyo dagaalyahanno, taasoo sii murjin karta xaaladda amni ee waqooyiga Itoobiya.

Inkastoo eedeymahaasi ay jiraan, haddana ma jiraan caddeymo madax-bannaan oo si rasmi ah u xaqiijinaya dhammaan sheegashooyinka dhinacyada.

Gobolka ayaan weli ka soo kaban burburkii dagaalkii 2020 illaa 2022, waxaana jira malaayiin qof oo u baahan gargaar degdeg ah, iyadoo abaaraha, cunno yarida iyo barakacu ay sii xoojiyeen dhibaatada.

Hay’adaha gargaarka ayaa ka digaya in dib u qarxidda colaadda ay caqabad weyn ku noqon karto gaarsiinta adeegyada bani’aadannimo.

Falanqeeyayaasha Geeska Afrika ayaa sheegaya in mustaqbalka Tigraay uu ku xiran yahay sida ay dowladda federaalka iyo hoggaanka gobolka uga go’an tahay fulinta qodobadii heshiiska Pretoria iyo xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed.

Waxay ka digayaan in haddii wada-hadallada dib loo billaabi waayo, abaabulka ciidamada iyo xiisadaha hadda taagan ay isu beddeli karaan dagaal cusub oo saameyn ballaaran ku yeesha Itoobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Inkastoo heshiiskii Pretoria uu hakiyay dagaalkii ugu weynaa ee Itoobiya muddooyinkii dambe, haddana xaaladda maanta taagan waxay muujinaysaa in sababihii salka u ahaa colaadda aan weli si buuxda loo xallin.