U bood dhigaalka

Baarlamaanka Uganda oo Ansixiyay Ciidamo Loo Diro marinka Qasa

Ogoosto 8, 2026

Baarlamaanka Uganda ayaa ansixiyay qorshe dowladda dalkaasi u oggolaanaya inay ciidamo u dirto Marinka Gaza, si ay uga qaybqaataan ciidanka caalamiga ah ee loo qorsheeyay xasilinta Qasa.

Tallaabadan ayaa Uganda ka dhigaysa mid ka mid ah dalalka muujiyay diyaar-garowga ay ugu biirayaan hawlgalka caalamiga ah ee la xiriira qorshaha cusub ee Qasa.

Mooshinka ayaa baarlamaanka waxaa horgeeyay Wasiirka Gaashaandhigga Uganda, Kiryowa Kiwanuka, kaas oo sheegay in ciidamada Uganda ay leeyihiin khibrad ballaaran oo ku saabsan hawlgallada nabad-ilaalinta iyo xasilinta, gaar ahaan kuwa ay ka sameeyeen Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrikaan ah.

Wasiirku wuxuu ku dooday in khibradda ciidamada Uganda ay ka dhigi karto kuwo ku habboon ka qaybqaadashada hawlgalka Qasa.

go’aankan ayaa dhaliyay dood iyo su’aalo ka yimid qaar ka mid ah xildhibaannada mucaaradka, ayadoo Xildhibaan lagu magacaabo Hassan Kirumira uu su’aal geliyay ujeeddada dhabta ah ee ciidamo Uganda leedahay inay Qasa u dirto, isagoo sidoo kale walaac ka muujiyay saameynta diblomaasiyadeed ee arrintani ku yeelan karto Uganda oo xiriir la leh dunida Muslimka.

Wuxuu si gaar ah u weydiiyay dhinaca ay ciidamada Uganda ka istaagi doonaan haddii ay gudaha Qasa galaan iyo cidda ay amarrada ka qaadan doonaan.

Dowladda Uganda ayaa dhankeeda sheegtay in ciidamada loo diri doono ujeeddooyin xasilin iyo nabad-ilaalin ah, iyadoo faahfaahinta hawlgalkana lagu qeexi doono heshiis rasmi ah oo lala galo dhinacyada ay khusayso.

Sida qorshuhu yahay, ciidanka caalamiga ah ayaa la geyn doonaa Qasa marka ay Israa’iil fuliso wejiyada loogu talagalay ka bixitaanka ciidamada, iyadoo ciidanka caalamiga ahi uu markaas door ka qaadan doono sugidda amniga iyo taageeridda marxaladda kala-guurka.

Ciidanka caalamiga ah ayaa lagu qorsheeyay inuu ka koobnaado ilaa 20,000 oo askari, waxaana hoggaaminaya Major General Jasper Jeffers oo ka tirsan ciidamada Mareykanka.

Dalal kale oo ay ka mid tahay Morocco ayaa sidoo kale muujiyay inay diyaar u yihiin inay ciidamo ku biiriyaan hawlgalka, halka Uganda ay hadda qaaday tallaabada sharci ee u oggolaanaysa inay qayb ka noqoto qorshahaas.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamo Uganda ah weli si toos ah looma dirin Gaza, waxaana weli jira arrimo muhiim ah oo u baahan in la caddeeyo, sida xilliga hawlgalku bilaabanayo, awoodda ciidamada loo siin doono, cidda ay ka amar qaadanayaan iyo sida ay ula macaamilayaan kooxaha hubeysan ee Qasa.

Go’aanka Uganda ayaa kusoo beegmaya xilli dadaallo diblomaasiyadeed lagu doonayo in lagu dhaqan geliyo heshiiska xabbad-joojinta Qasa iyo qorshe loogu gudbayo marxalad cusub oo amni iyo maamul ah.

Haddii qorshaha ciidanka caalamiga ah uu hirgalo, ciidamada Uganda waxay noqon karaan qayb ka mid ah xoogagga dibadda ee loo xilsaari doono inay kaalin ka qaataan amniga Qasa.

Tallaabada Kampala waxay sidoo kale leedahay muhiimad siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed, maadaama Uganda muddo dheer ciidamo uga qaybqaadanaysay hawlgallada nabad-ilaalinta ee Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

ansixinta baarlamaanka Uganda ma ahan in ciidamadu isla markiiba Gaza u ambabaxayaan, balse waxay dowladda siisay waddo sharci iyo siyaasadeed oo ay kaga qaybqaadan karto ciidanka caalamiga ah haddii qorshaha xasilinta Qasa la dhaqan geliyo.

Xukuumadda Kampala ayaa hadda wajahaysa marxalad kale oo ah in la caddeeyo tirada ciidamada la diri doono, waajibaadkooda iyo xeerarka ay ku shaqeyn doonaan, iyadoo indhaha caalamku ku jeedaan sida qorshaha amni ee Qasa uu u hirgeli doono.