Turkiga ayaa sheegay in heshiiska cusub ee difaaca ee ay wada saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan aanu si gaar ah uga dhan ahayn Iiraan, inkastoo heshiiskaasi uu xambaarsan yahay qodob dhigaya in weerar hubaysan oo lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo tixgelin doono weerar lagu qaaday dhammaantood.
Heshiiska oo loogu magac daray Heshiiska Wadajirka Difaaca ee Maka ayaa 7-dii Agoosto lagu kala saxiixday magaalada Maka, waxaana kala saxiixday Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif.
Heshiiskan ayaa loo arkaa tallaabo cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga amni iyo difaac ee saddexda dal, xilli Bariga Dhexe ay ka jiraan xiisado militari iyo siyaasadeed oo sii kordhaya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in heshiisku aanu magacaabin Iiraan ama dal kale oo loo aqoonsaday inuu yahay khatar ama cadow wadajir ah.
Fidan ayaa sheegay in heshiisku farsamo ahaan uu la mid yahay Qodobka 5-aad ee NATO, kaas oo dhigaya in weerar lagu qaado xubin ka tirsan isbahaysiga loo arko weerar lagu qaaday dhammaan xubnaha.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu caddeeyay in jawaabta la bixinayo ay ku xirnaan doonto xaaladda iyo nooca taageero ee dalka la weeraray uu codsado.
Sida uu sheegay Fidan, dalka la weeraro ayaa codsan kara taageero dhinaca xogta sirdoonka, saadka, rasaasta ama xitaa in ciidamo militari loo diro, ayadoo saddexda dal ay sidoo kale qorsheynayaan inay sameystaan guddiyo siyaasadeed iyo kuwo militari, halka xoghayn joogto ah laga dhisayo Sacuudiga.
Iskaashiga ayaa sidoo kale ku wajahan tababbarro militari oo wadajir ah, xog-isweydaarsi sirdoon, isku-xirka saadka, qiimeynta khataraha amni iyo in ciidamada saddexda dal ay yeeshaan awood ay si wadajir ah ugu shaqeeyaan.
Dhinaca kale, iskaashiga warshadaha difaaca ayaa la filayaa inuu noqdo qayb muhiim ah oo heshiiska ka mid ah, ayadoo Fidan uu sheegay in hoggaamiyeyaasha saddexda dal ay si gaar ah uga wada hadleen sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen tiknoolajiyadda iyo awoodaha warshadaha milatari ee midba midka kale.
Wasiirka Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in wada-hadallada heshiiskan ay socdeen ku dhawaad laba sano iyo siddeed bilood, taas oo muujinaysa in heshiisku aanu ahayn tallaabo si degdeg ah looga jawaabayo xiisadda hadda ka taagan gobolka.
Inkasta oo Ankara ay ku adkaysanayso in Iiraan aanu heshiisku bartilmaameedsanayn, haddana qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Iiraan ayaa walaac ka muujiyay heshiiska.
Mahmoud Nabavian, oo ka tirsan Guddiga Amniga Qaranka iyo Siyaasadda Dibadda ee Baarlamaanka Iiraan, ayaa sheegay in Sacuudigu aanu heli doonin dammaanad amni oo buuxda isaga oo ku tiirsan Turkiga iyo Pakistan.
Xubin kale oo guddigaas ka tirsan, Ebrahim Rezaei, ayaa heshiiska ku tilmaamay “heshiis warqad ku qoran”, xilli
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Abbas Araghchi si toos ah aanu hadlin heshiiska, balse uu ugu baaqay dalalka gobolka inay isku tashadaan oo ay raadiyaan waxa uu ku tilmaamay walaaltinimo dhab ah.
Dhanka kale, Turkiga ayaa sheegay in heshiiska aan lagu koobin doonin saddexda dal ee hadda saxiixay, ayadoo Hakan Fidan uu sheegay in Ankara ay dooneyso in qaab-dhismeedka cusub ee amni uu ku fido dalal kale oo gobolka ah, isagoo si gaar ah u xusay Masar oo uu ku tilmaamay lamaane dabiici ah.
Sida uu sheegay, Masar ayaa laga yaabaa inay ku biirto heshiiska marka la dhammeeyo arrimaha farsamo ee weli taagan.
Heshiiska Maka ayaa ku soo beegmaya xilli Bariga Dhexe uu wajahayo xaalad amni oo cakiran, iyadoo xiisadaha u dhexeeya Iran iyo dalalka kale ee gobolka ay weli yihiin arrin weyn.