Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay fashiliyeen weerar ay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwa taabacsan Cabdicasiis Laftagareen ku qaadeen magaalada Baydhabo.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga, weerarka ayaa dhacay abaare 5:00 subaxnimo, waxaana ciidamadu ay si degdeg ah uga hortageen maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, kuwaas oo la sheegay inay isku dayayeen inay waxyeello u geystaan shacabka iyo inay qalqal geliyaan amniga magaalada.
Wasaaraddu waxay sheegtay in ciidanka ay si xirfad iyo geesinimo leh uga hortageen weerarka, isla markaana ay ka hortageen qorshihii ay maleeshiyaadku ku doonayeen inay ku carqaladeeyaan amniga Baydhabo.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalka ay qayb ka ahaayeen ciidanka XDS, kuwaas oo la sheegay inay dileen 30 ka mid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, halka qaar kalena ay noqdeen kuwo dhaawacmay.
Ciidamada ayaa sidoo kale, sida bayaanka lagu sheegay, gacanta ku dhigay hub iyo gaadiid ay wateen kooxihii weerarka soo qaaday.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa intaas ku dartay in ciidamadu ay weli wadaan howlgal lagu xaqiijinayo amniga magaalada, iyadoo sidoo kale baaritaanno iyo dabagal lagu sameynayo dhaq-dhaqaaqyada maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah Baydhabo.
Dhanka kale, Wasaaraddu waxay sheegtay in shacabka Soomaaliyeed loo soo gudbin doono faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarka iyo natiijada howlgalka marka uu soo gabagaboobo.