Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaannada, qaybaha iyo fadhiyada madaxa-bannaan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga guud ee dalka, iyadoo saraakiisha ka qeybgalay ay warbixinno ka bixiyeen hawlgalladii amni ee ciidamada Boolisku qeybta ka ahaayeen.
Saraakiishu waxay si gaar ah uga warbixiyeen guulihii laga gaaray howlgalkii lagu soo afjaray weerarkii ay K maleeshiyaad ay isbahaysteen ku qaadeen magaalada Baydhabo, kaas oo lagu sheegay inay doonayeen inay khalkhal geliyaan amniga ka jira Koonfur Galbeed.
Taliyaha Booliska, Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa sidoo kale Hoggaanka Baarista Dambiyada (CID) iyo Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir faray inay dardargeliyaan dadaallada looga hortagayo falalka ka hor imanaya anshaxa iyo dhaqanka suuban, gaar ahaan kuwa ay mararka qaar ku kacaan dhalinyaradu.
Taliyaha ayaa bulshada ku bogaadiyey wada-shaqeynta ay la leeyihiin laamaha amniga iyo sida ay ula wadaagaan xogaha la xiriira falalka amni-darrada iyo kuwa bulshada waxyeellada u leh.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday iyadoo hoggaanka Boolisku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta amniga, la-dagaallanka falalka dembiyada iyo sii wadista wada-shaqeynta shacabka iyo laamaha amniga.