Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Pakistan u fadhiya Soomaaliya, Aqsa Nawaz, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga ee labada dal.
Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta is-afgaradyada labada dhinac, iyadoo xoogga la saaray iskaashiga dhinacyada tababarka, tayeynta iyo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed iyo sidii loo ballaarin lahaa wada-shaqeynta amniga, gaar ahaan la-dagaallanka argagixisada, iyadoo la tixgelinayo danaha wadajirka ah iyo ixtiraamka madax-bannaanida labada dal.
Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga ay la leedahay dalalka saaxiibka ah ee dhinacyada difaaca iyo amniga, iyadoo la doonayo in la kordhiyo tababarka iyo tayeynta ciidamada Soomaaliyeed.
Waxaa kulanka goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, iyo U-qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Pakistan, Kornayl Maxamed Inam Khattak.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii wadista wada-shaqeynta iyo dardargelinta qorshayaasha lagu xoojinayo xiriirka difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Pakistan.