U bood dhigaalka

Itoobiya oo Dastuurkeeda ka Saartay Qodobkii Ogolaanayay Gooni-u-goosadka Ismaamullada

Ogoosto 22, 2026

Dowladda Itoobiya ayaa wax-ka-beddel taariikhi ah ku samaysay qaar ka mid ah qodobbada ugu xasaasisanaa dastuurka dalkaas, iyada oo gabi ahaanba meesha ka saartay Qodobkii 39-aad oo ahaa midka u oggolaanayay ismaamullada qowmiyadaha dalkaas inay ka go’i karaan Itoobiya inteeda kale haddii ay doortaan.

Tallaabadan, oo dhalisay doodo adag iyo falcelinno kala duwan, ayaa ugu dambeyn la meelmariyay, waxaana marka uu si rasmi ah u dhaqangalo meesha ka bixi doonta fursaddii sharciyeed ee ismaamulladu u lahaayeen inay ku go’aan.

Wax-ka-beddelka dastuurka kuma koobnaan kaliya gooni-u-goosadka, balse waxaa sidoo kale si rasmi ah loogu aqoonsaday afafka Amxaariga, Oromada, Soomaaliga, Tigreega, iyo Canfarta inay noqdaan luuqadaha shaqada ee heer federaal, taas oo meesha ka saaraysa caddaalad-darradii iyo cadaadiskii luuqadeed ee hore u haystay shaqalaha iyo bulshooyinka aan Amxaariga ku hadlin.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa dadaal xooggan geliyay sidii dib-u-habayn loogu samayn lahaa qodobbada dastuurka ee la aaminsanaa inay awood xad-dhaaf ah siinayeen dowlad-goboleedyada dalkaas.

Qorshaha xukuumadda dhexe ayaa salka ku haya in la yareeyo awoodaha gaarka ah ee maamullada, laguna qasbo inay si dhow oo toos ah ula shaqeeyaan dowladda federaalka si loo adkeeyo midnimada qaranka.

Itoobiya ayaa muddooyinkii u dambeeyay la daalaadhacaysay xasarado siyaasadeed iyo isku-dhacyo qowmiyadeed, waxaana sannadkii 2020 dalkaas ka qarxay dagaal kharaar oo u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Maamulka Tigray.

Dagaalkaas, oo ka dhashay khilaaf ku saabsanaa dib-u-dhigistii doorashooyinka xilligii cudurka Covid-19, ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh, burbur baahsan, iyo barakac ballaaran, taas oo dowladda ku dhalisay inay dib u eegto nidaamka federaalka qowmiyadaha ku dhisan.