Mas’uuliyiin sar-sare oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka ayaa magaalada Nairobi ee Kenya ku yeeshay kulan looga hadlay xoojinta iskaashiga amniga iyo difaaca, gaar ahaan taageerada Mareykanka ee ciidamada Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray kordhinta taageerada la siiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin tababarka, qalabeynta iyo xoojinta ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay taageerada dhinaca cirka iyo wadaagga xogaha sirdoonka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sugidda amniga deegaannada ay ciidamada Soomaaliya kala wareegeen kooxda.
Kulanka ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay waddo qorshe ay si tartiib ah ugu xoojinayso awoodda ciidamadeeda, si mas’uuliyadda amniga dalka loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed.
Dowladda Mareykanka ayaa muddo dheer kamid ahayd saaxiibbada ugu muhiimsan ee Soomaaliya ka taageera la-dagaallanka Al-Shabaab iyo dhismaha hay’adaha amniga.
Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga amni iyo difaac, si loo dardargeliyo dadaallada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, loona taageero amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.