U bood dhigaalka

Ruushka oo dagaalka Ukraine u adeegsaday Gantaal Cusub oo lagu magacaabo Iskander, Xilli uu Horumarinayo Hubkiisa

Ogoosto 29, 2026

Dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa galay marxalad cusub, kaddib markii sirdoonka milatariga Ukraine uu sheegay in Ruushku markii ugu horreysay u adeegsaday weerar ka dhan ah Kyiv nooc cusub oo gantaalka ballistic-ga ah ee Iskander, kaas oo loo yaqaan Iskander-1000 ama 9M723-2.

Gantaalkan ayaa lagu adeegsaday weerar ka dhacay caasimadda Ukraine xagaagan, iyadoo sirdoonka Ukraine uu sheegay inuu leeyahay masaafo gaareysa ilaa 550 kiiloomitir, taas oo ka badan qiyaastii 390 kiiloomitir ee noocii hore.

Gantaalka cusub ayaa lagu sameeyay matoor ka weyn kii hore iyo qalab ridis oo isna la ballaariyay, taasoo u saamaxaysa inuu gaaro bartilmaameedyo ka fog kuwii uu gaari jiray Iskander-M.

Horumarkan ayaa muhiim u noqon kara Ruushka, maadaama ciidamada Ukraine ay isku dayayaan inay bartilmaameedsadaan goobaha laga soo tuuro gantaallada Ruushka ka hor inta aan la ridin.

Masaafo dheer waxay ciidamada Ruushka u oggolaan kartaa inay gantaallada ka soo ridaan meelo ka sii fog gudaha dhulka Ruushka, taasoo adkeyn karta in Ukraine ay ogaato ama burburiso goobaha laga soo tuurayo.

Inkasta oo magaca “Iskander-1000” uu muujinayo masaafo 1,000 kiiloomitir ah, haddana xogta ugu dambeysay ee sirdoonka Ukraine ma xaqiijinayso in nooca hadda la adeegsaday uu gaari karo 1,000 kiiloomitir.

Qiyaasta la xaqiijiyay ee la sheegay waa ilaa 550 kiiloomitir, halka fikrado iyo tijaabooyin hore ay tilmaamayeen in nooc mustaqbalka la casriyeeyo uu aragti ahaan gaari karo masaafo u dhow 900 ilaa 1,000 kiiloomitir.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Ruushka uu sidoo kale sii ballaarinayo adeegsiga gantaallada uu ka helo Kuuriyada Waqooyi, iyadoo Sirdoonka Ukraine uu sheegay in Pyongyang ay Ruushka siisay ku dhowaad 50 gantaal oo KN-23, KN-24 iyo KN-30 ah ilaa July 2026, iyadoo sidoo kale la sheegay in Ruushku bilaabay inuu geeyo lix qalab oo lagu rido gantaallada Kuuriyada Waqooyi gudaha gobolka Voronezh.

Gantaallada KN-23 iyo KN-24 ayaa loo adeegsaday dagaalka Ukraine tan iyo dabayaaqadii 2023, waxaana la sheegay inay muuqaal ahaan iyo qaab ahaan u egyihiin gantaallada Iskander-ka Ruushka.

dagaalka Ukraine wuxuu sii gelayaa marxalad ay gantaallada ballistic-ga, wax-soo-saarka hubka iyo iskaashiga milatari ee Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ay door weyn ka ciyaarayaan, iyadoo Isticmaalka cusub ee Iskander-1000 ee Kyiv iyo horumarinta noocyo masaafo dheer leh ay muujinayaan in tartanka hubka ee labada dhinac uu weli sii xoogeysanayo.