U bood dhigaalka

Daadadkii Nepal oo galaaftay nolosha 734 Qof,  halka 2,498 kalena Weli la la’yahay

Ogoosto 30, 2026

Nepal ayaa wajahaysa mid ka mid ah musiibooyinkii dabiiciga ahaa ee ugu khasaaraha badnaa muddooyinkii dambe, kaddib markii daadad xooggan oo ka dhashay burbur baraf iyo dhagax ah ay ku dhufteen qaybo badan oo dalka ah.

Tirada dadka ku dhintay gudaha Nepal ayaa gaartay 734 qof, halka 2,498 qof weli la la’yahay, iyadoo ciidamada iyo kooxaha samatabbixintu ay maalintii shanaad sii wadaan baadigoobka dadka ku xayiran meelaha ay musiibadu sida weyn u saameysay.

Daadadka ayaa bilaabmay 26-kii Agoosto, kaddib markii burbur ka dhacay dhulka buuraleyda ah ee u dhow xadka Nepal iyo Tibet uu sababay in biyo, baraf, dhagxaan iyo dhoobo aad u badan ay si xoog leh ugu qulqulaan nidaamyada webiyada Bhotekoshi iyo Trishuli.

Qulqulkaas ayaa qaaday guryo, baabuur, waddooyin iyo buundooyin, waxaana sidoo kale burbur xooggan soo gaaray mashaariicda waaweyn ee korontada laga dhaliyo biyaha.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Nepal ayaa sheegtay in 8,186 qof la soo badbaadiyay, iyadoo kumannaan askari iyo shaqaale gurmad ah loo diray goobaha musiibadu ka dhacday.
Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa loo adeegsaday in dadka laga soo saaro tuulooyin iyo goobo ay waddooyinku burbureen, halka gargaar cunto, biyo iyo dawooyin ahna loo gudbinayo dadka ka badbaaday daadadka.

Mid ka mid ah meelaha ugu adag ee gurmadku ka socdo waa tunnel-lada ama godadka mashaariicda korontada biyaha, halkaas oo boqolaal shaqaale ah la rumeysan yahay inay ku xayiran yihiin.

Dowladda Nepal waxay sheegtay in 933 shaqaale oo ka tirsanaa mashaariicda korontada biyaha ay weli ku jiraan liiska dadka la la’yahay.

Ciidamada ayaa isku dayaya inay gaaraan dadka ku xayiran tunnel-lada, waxaana kooxo farsamo oo ka socda Hindiya ay sidoo kale ka qeyb qaadanayaan howlaha samatabbixinta.

Howlaha gurmadka ayaa waxaa sii adkeynaya roobabka iyo kororka heerarka biyaha webiyada, ayadoo Maamulka Nepal uu soo saaray digniino cusub oo ku wajahan dadka ku nool agagaarka webiga Bhotekoshi, iyadoo laga cabsi qabo fatahaado kale.

Dhul-go’ iyo burburka waddooyinka ayaa sidoo kale go’doomiyay deegaanno badan, taasoo adkeyneysa in kooxaha gurmadku ay si dhulka ah u gaaraan dadka u baahan caawimaadda.

Musiibadu kuma eka gudaha Nepal oo keliya, waxaana sidoo kale saameyn weyn uu daadku ku yeeshay dhinaca Tibet ee Shiinaha.

Mas’uuliyiinta Shiinaha ayaa sheegay in halkaas ay ku dhinteen 16 qof, halka 546 qofna la la’yahay. Marka Nepal iyo Tibet la isku daro, tirada dhimashada waxay gaartay 750 qof, halka in ka badan 3,000 qof ay weli maqan yihiin.

Dhanka dhaqaalaha, khasaaraha ayaa ah mid aad u ballaaran. Wasiirka Maaliyadda Nepal Swarnim Wagle ayaa sheegay in qiyaasta hordhaca ah ee kharashka dib-u-dhiska iyo soo kabashada ay u dhexeyso 4 ilaa 5 bilyan oo dollar, inkastoo qiimeyn dhammeystiran aan weli la sameyn.

Qaddarkaasi wuxuu u dhigmaa ku dhowaad toban meelood meel dhaqaalaha Nepal, taasoo muujineysa baaxadda burburka.

Burburka ayaa si gaar ah u saameeyay waddooyinka, buundooyinka, guryaha, xarumaha korontada iyo goobaha dalxiiska.

Qaybta korontada biyaha laga dhaliyo ayaa muhiim u ah dhaqaalaha Nepal, waxaana waxyeello soo gaartay mashaariic matalaya in ka badan 12 boqolkiiba awoodda koronto-dhalinta dalka.

Si kastaba ha ahaatee dhibaatadu ma ahan oo keliya musiibo bani’aadamnimo, balse waxay sidoo kale noqon kartaa caqabad dhaqaale oo muddo dheer saameyn ku yeelata dalka.

Hindiya, Shiinaha, Mareykanka, Kanada, Boqortooyada Midowday, Japan iyo Qaramada Midoobay ayaa bixiyay ama ballanqaaday gargaar dhaqaale, qalab iyo khubaro ku takhasusay samatabbixinta, balse dawladda Nepal ayaa si gaar ah u raadinaysaa taageero farsamo oo la xiriirta samata-bixinta tunnel-lada, baaritaanka DNA-da, aqoonsiga meydadka iyo qalabka lagu ogaan karo dadka nool ee ku xayiran burburka.