U bood dhigaalka

Masar oo Dadaal Xooggan ugu Jirta Badbaadinta 8 Badmaax oo Lagu Haysto Xeebaha Soomaaliya

Sebteembar 4, 2026

QAAHIRA – Dowladda Masar ayaa xoojisay dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu sii daayo siddeed badmaax oo u dhashay dalkaas, kuwaas oo lagu haysto markab shidaal oo ku sugan meel u dhow xeebaha Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa sheegtay inay xoojisay wada-shaqeynta ay la leedahay dowladaha Soomaaliya iyo Yemen, iyadoo ujeedadu tahay in si degdeg ah oo nabad ah xorriyadooda loogu soo celiyo muwaadiniinta Masar.

Dowladda Qaahira ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda caafimaad iyo nololeed ee badmaaxiinta, isla markaana ay ku dadaalayso in loo fidiyo daryeelka iyo agabka aasaasiga ah inta lagu guda jiro dadaallada lagu sii deynayo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa faray hay’adaha ay khuseyso inay adeegsadaan dhammaan waddooyinka diblomaasiyadeed ee suuragalka ah. Waxa uu sidoo kale shirkadda leh markabka ku cadaadiyay inay qaaddo mas’uuliyadda ka saaran badbaadada shaqaalaheeda.

Arrintan ayaa soo bilaabatay 11-kii May 2026, markii kooxo hubeysan ay gacanta ku dhigeen markabka shidaalka xilli uu ku sugnaa biyaha Soomaaliya.

Ilaa hadda lama shaacin xilliga rasmiga ah ee la filayo in la sii daayo siddeedda badmaax, balse dowladda Masar ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada iyo wadahadallada ilaa laga gaaro xal lagu badbaadinayo muwaadiniinteeda.