U bood dhigaalka

Saraakiisha Sare ee Ciidanka Xoogga Dalka oo Gaaray Gobolka Gedo

Sebteembar 6, 2026

BAARDHEERE – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, ayaa maanta gaaray magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas oo uu u tagay kormeer iyo u kuurgelidda xaaladda amni iyo howlaha ay ciidamada ka wadaan gobolka.

Taliyaha waxaa socdaalka ku weheliyay Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doktriinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Axmed Ciise Axmed, Madaxa Hoggaanka War-isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Ciidanka Xoogga Dalka, G/Sare Faarax Cali Cartan, iyo saraakiil kale.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baardheere ayaa waxaa wafdiga ku soo dhaweeyay Taliyaha Guutada 36-aad, Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/Sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorax iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada.

Intii ay socotay soo dhaweynta, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Soo dhaweynta kaddib, Taliyaha ayaa kulan la yeeshay saraakiisha amniga degmada, isagoo ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda guud ee amniga iyo howlgalada ay ciidamada ka wadaan degmada Baardheere iyo deegaanada ku dhow.

Socdaalka Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa salka ku haya u kuurgelidda xaaladda amni ee gobolka Gedo, kormeerka howlaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo arrimo kale oo muhiim u ah waajibaadka ciidamada.