U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qaabilay Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u Qaabilsan Soomaaliya

Oktoobar 18, 2026

Muqdisho (Goobjoog News) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, László Eduárd Máthé, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, dowlad-dhiska, taageerada hay’adaha dowladda iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee uu siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga ku dhisan danaha wadajirka ah, nabadda iyo horumarka dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu safiirka cusub warbixin ka siiyey horumarka ay Soomaaliya ka gaartay amniga, dimuqraadiyadda iyo dowlad-dhiska, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay xoojinta dowladnimada, xaqiijinta amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Dhankiisa, safiirka cusub ee Midowga Yurub, László Eduárd Máthé, ayaa xaqiijiyey muhiimadda uu xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Yurub u leeyahay labada dhinac, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay sii wadidda wada-shaqaynta lagu taageerayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.