U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Wasiir Cusub u Magacaabay Wasaaradda Dekedaha

Oktoobar 18, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Cabdulqaadir Cumar Macalin u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Magacaabistan ayaa lagu saleeyay qodobka 120-aad, farqadihiisa 2-aad iyo 3-aad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la tixgeliyay taariikh nololeedka, aqoonta iyo khibradda shaqo ee Cabdulqaadir Cumar Macalin.

Sida lagu sheegay qoraalka magacaabista, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale tixgeliyay talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka hor inta uusan soo saarin go’aanka magacaabista wasiirka cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay inuu xilkiisa u guto si hufan, masuuliyad leh, isla markaana uu ilaaliyo waajibaadka ka saaran adeegga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa ka mid ah hay’adaha dowladda ee qaabilsan arrimaha la xiriira dekedaha iyo gaadiidka badda, kuwaas oo door muhiim ah ku leh ganacsiga, isu socodka badeecadaha iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.