U bood dhigaalka

Akhriso: Madaxweyne Xaaf Oo Sheegay Inuu Buray Heshiiskii Galmudug Iyo Ahlu-sunna, Kuna Dhawaaqay Doorasho

Juun 24, 2019

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in gabi ahaanba uu buray heshiiskii Galmudug iyo sidoo kale Ahlu-sunna Waljameeca.

Wuxuu tilmaamay Xaaf, in doorashada Galmudug ay ka dhici doonto magaalada Cadaado, sidoo kalena meesha ay ka baxayaan wax walbo oo ku yimid heshiiskii horey u dhacay.

Sidoo kale, madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in uu dhammaaday mad-madowgii ka dhex jiray dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug.

Halkaan hoose ka akhriso: