Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Dowladda Kuwait, Rana Al-Fares, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo Kuwait ee dhinaca ka-hortagga iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa.