Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda ayaa gaaray magaalada London dalka Ingiriiska, halkaas oo ay kaga qeyb-galyaan wafdiga Jamhuuriyaddu, shirka hoggaamiyeyaasha caalamka ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa.