1 daqiiqo Sheeko:Maalmaha Gaarka ah Guddoomiye Golaha Shacabka oo Umadda Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay Munaasabadda -da Luulyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan 64-sano guuradii ka soo wareegatay xorrnimadii gobolada koonfureed.
2 daqiiqo Sheeko:Maalmaha Gaarka ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Ka Qeybgalay Munaasabadda 1-da Luulyo iyo Calan Saarka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo oo ku astaysan 64 sano guurada xornimada Gobollada Koonfureed.
6 daqiiqo Sheeko:Maalmaha Gaarka ah 64 Sano Kadib, Wax Ka Ogow Sida ay Ku Timid Xornimada 1-da Luulyo 1960-kii! Sanad walba maanta oo kale, Soomaaliya waxaa ay 1-da Luulyo u dabaaldegtaa maalin taariikhi ah oo ku asteysan maalintii ay xoroobeen gobollada Koonfureed, midoobeen labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur isla markaana ay dhalatay.
1 daqiiqo Sheeko:QAXOOTIGA IYO BARAKACAYAASHA Dowladda Pakistan oo Tarxiishay Qaxooyi Kasoo Jeeda Afgaanistaan Dowladda Pakistan ayaa lagu wadaa in ay bilowdo wajigii labaad ee qorshe muran badan dhaliyay oo qaxootiga Afgaanistaan ee aan sharciga haysan dib loogu celinayo dalkooda, kuwaas oo dalkaan soo galay markii xukunka ay qabsadeen Taliban.
1 daqiiqo Sheeko:War Wasiirka Warfaafinta XFS oo Baqdaad Uga Qaybgalay Xuska Maalinta Warbaahinta Dalka Ciraaq. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Baqdaad ee Jamhuuriyadda Ciraaq uga qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta.
1 daqiiqo Sheeko:Deegaanka & Cimilada Soomaaliya oo Markii Ugu Horeysay Yeelatay Sanduuqa Waxkabashada Isbedelka Cimillada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dib u habaynta iyo horumarinta qorshaha qaran ee isbeddelka cimilada ayaa Xeer Madaxweyne LR.235.
1 daqiiqo Sheeko:Warar & Warbixino Safiirka Cusub ee Dpwladda u Magacowday Liibiya oo Warqadaha Aqoosiga Laga Guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay dhowaan u magacaabatay dalka Liibiya ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo si rasmi ah looga Guddoomay, taas oo qeyb ka dib usoo celinta safaaradaha dalka.
1 daqiiqo Sheeko:Golaha Shacabka Guddoomiye Aadan Madoobe oo Maanta Furay Buugga Tacsida ee Guddoomiyihii Hore ee Golaha Shacabka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa furay buugga tacsida ee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
1 daqiiqo Sheeko:JAAMACADDA CARABTA Soomaaliya oo Jaamacadda Carabta Kala Hadashay Caqabadaha Gobolka Ka Taagan Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, oo hadda ku sugan dalka Masar, ayaa maanta la kulmay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Ahmed Aboul Gheit.
2 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Amniga Sacuudiga oo Muwaadiniintiisa Ugu Baaqay in ay Deg deg ah Uga Baxaan Lubnaan Sacuudi Carabiya ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan Lubnaan inay si deg deg ah uga baxaan dalkaas, iyadoo ay sii kordhayso xiisadda gobolka, taas oo laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhici karo u dhaxeeya Xisbullah iyo Israel.