Dowladaha Federaalka Soomaaliya iyo Masar ayaa ku heshiiyey inay sare u qaadaan iskaashiga dhinacyada kalluumeysiga, dhaqaalaha buluugga ah, batroolka iyo khayraadka macdanta, kadib wada-hadallo ka dhacay magaalada Muqdisho oo dhex maray masuuliyiin sare oo labada dal ka kala socday.