Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in caasimadda ay ka bilaaban doonaan doorashooyinka qof iyo cod ee dalka laga qabanayo, isla markaana uu guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ee xilka la wareegay noqon doono kii ugu danbeeyey ee ku yimaada magacaabis, taas oo muhiim u ah geeddi-socodka dimoqraadiyadda iyo xoojinta matalaadda shacabka.