U bood dhigaalka

Abuukaate Cali Xalane oo sheegay Maxkamadda Sare u Dhiganto Maxkamadda Dastuuriga ah, Mooshinkana uu Dastuuri yahay

Sheeko:War

Waxaa xildhibaanada baarlamaanka ay ku kala qeybsanyihiin aragtida ah in Mooshinka madaxweynaha laga gudbiyay iyadoo Xildhibaanada Mooshinka keenay ay diideen dhex dhexaadinta Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari.

Hadaba Maxaa sharci ah oo lagu kala saarayaa Madaxda Dalka ee ku muran san Mooshinka Madaxweynaha Arintaasi waxaanu hordhigtay Abuukaate Cali Xalane oo ah Qareen ka soo shaqeeyay Maxkamad ku taala Magaalada Toronto ee Dalka Canada.

Abuukaate Cali Xalane oo Wareysi gaar siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in waxa laga keenay Madaxweynaha lagu tilaamo Mooshin ee aan gudaha loo galin arimaha lagu eedeeyay sida Qiyaano Qaran.

Abuukaate Cali Xalane ayaa shir guddiinka ku eedeeyay in warqadda ay soo saareen aaney aheyn mid waafaqsan dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u yaalla.

Abuukaataha waxaa uu sheegay in Mooshinka uu yahay mid qaanuuni ah oo ka fog Siyaasad, isla markaana ay xaq u leeyihiin Xildhibaanada ay la kaashtaan Abuukaatayaal la taliya.

Abuukaate Cali Xalane ayaa soo qaatay in Maxkamadda sare ay u dhigan tahay Maxkamadda Dastuuriga xilligan sida ku qoran xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, 218, Faqraddiisa labaad oo ku qoran in Maxkamadda sare u dhiganto Maxkamadda Dastuuriga isagoo intaa raaciyay in Maxkamadahan ay mid yihiin kuwa Special ah.