U bood dhigaalka

Deegaanka Gubadleey oo Ku Guuleystay Koobka Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir

Sheeko:Cayaaraha

Deegaanka Gubadleey ee duleedka caasimadda ayaa galabta ku guuleysatay tartan degmooyinka deegaannada gobolka Banaadir oo Finalka isku Wajaheen degmada Warta-Nabadda.

Laba kooxood ayaa ciyaarta labadii qeyb isku mari waayay goolal la’aan, kadib Gool ku laadyo la dhigay waxaa 3 iyo 4 ay guusha ku raacday deegaanka Gubadleey ee duleedka Muqdisho.

Deegaanka Gubadleey ayaa dhigay Rikoor ah inuu noqday deegaankii ugu horeeyay oo ku guuleystay Koobka kooxaha degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir ee sanadka 2023.

Goobjoog News