U bood dhigaalka

Maxaa kasoo Kordhay Doodihii Kululaa ee Fatahaadaha ee ka socday Golaha Shacabka?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad kulankiisa 4-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka waxaa Guddoomiyaha ku weheliyay labadiisa ku-xigeen, waxaana uu ajandihiisu ahaa dhameystirka ka-doodidda xalaadda fatahaadaha ka jirta dalka iyo khasaarihii ka dhashay, iyadoo Kulankii qabsoomay 29 November 2023, lagu go’aamiyay in loo yeero Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, si ay uga warbixiyaan xaaladaha fatahaadaha ka jira dalka gudihiisa.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo su’aalo weeydiiyay Wasiiru Dowladaha Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, ayaa xildhibaannadu waxay soo jeediyeen, in gobolada qaarkood xal loo raadiyo, kuwaas oo weli ay ka taagan tahay xaalado adag.

Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Sadad Mohamed Nuur Caliyow iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xildhibaanada uga jawaabay dhammaan su’aalihii la weydiiyay, waxaana ay sharaxaad ka bixiyeen shaqada Hay’adda iyo gargaarka ay wado, waxaana ay sheegeen in doomo la geeyay gobollada inta badan fatahado ba’an ay ka geeysteen roobabkii ka da’ay gobollada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gunnaanadka kulanka maanta soo gabagabeeyay ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka u sheegay in Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka lagu wareejiyay si ay u soo qulaaseeyaan su’aalihii ay weeydiiyeen Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo hay’adda SODMA isla-markaana Golaha kula soo labtaan jawaabta Xildhibaannada.