U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Booqday Xarumo Ka Mid ah Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileita Maxamed Dileita ayaa maanta booqasho ku tagay Dekadda iyo Goobaha Canshuuraha ka Caagan ee dalkaas.

Guddoomiye Sheekh Aadan iyo dhigiisa Jabuuti ayaa warbixin ka dhageystay Madaxda Dekadda Jabuuti, iyagoo uga warbixiyay hanaanka shaqo ee dekadda iyo horumarada ay ku talaabsatay sanadihii dambe, waxaana uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku amaanay madaxda dowlada Jabuuti sida ay uga go’antahay horumarinta kaabayaasha dhaqaale iyo u adeegida shacabka Jabuuti.