U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo meelmariyay hindise sharciyeedka Kaalmo

Golaha shacabka ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxey ku meel mariyeen hindise sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Soomaaliyeed oo ay golaha u gudbisay wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS.

Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa guddoomiyay kulanka lagu ansixiyay Sharciga oo ay goob joog ahaayeen 140 xildhibaan. 138 mudane ayaa “haa” ugu codeysay sharciga, waxaa ka aamusay laba xildhibaan marna jirin xildhibaan diiday.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xukuumadda JFS, mudane Hassan Moallin ayaa ansixinta kadib, waxuu golaha uga mahad celiyay ka doodista, toosinta iyo meel marinta sharcigaan oo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sharcigan oo u gudbay aqalka sare, si ay iyana u meel mariyaan ayaa kor u qaadaya cadaaladda iyo sarreynta sharciga si qof walba u helo kaalmo- shaciyeedka uu u baahan yahay oo ah xaqa ka-wakiil-noqosho sharci, marka uusan qofku lahayn awood dhaqaale, sida dadka saboolka ah iyo kuwa nugul.