U bood dhigaalka

Maxay ka wada-hadleen guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo danjiraha Talyaanigu ?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaallya Danjire Pier Mario Docco Coppi.

Labada masuul ayaa ka  wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo saaxiibtinimada labada dal, wuxuuna danjiraha Talyaanigu sheegay in labada dal ee Talyaaniga iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan taabanaya, hadana uu meel wanaagsan marayo iskaashigoodu.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJF Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa dhankiisa bogaadiyay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal, wuxuuna dowladda Talyaaniga iyo midowga Yurub uga mahadceliyay taageeradooda Soomaaliya.