U bood dhigaalka

Guddoomiyaha golaha shacabka kulamada golaha ka mamnuucday 20 mudane oo lagu eedeeyay carqaladayn shaqo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 20 xubnood ka tirsan Golaha ka mamnuucay ka qeybgalka fadhiyada Golaha, ayadoo sababta lagu sheegay arrimo dartood, asiga oo sidoo kale Guddiga Xeer-hoosaadka ee Golaha ka codsaday in uu talo bixin iyo tallaabooyin ku haboon kasoo gudbiyo xubnahaan.

Mudaneyaashan ayaa kamid ahaa xubno ku luglahaa buuq hareeyay kulankii ugu dambeeyay ee golaha, ayadoo gacan qaad iyo fowdo ay ka dhacday xarunta golaha shacabka oo warbaahintu ay si toos ah u tebinaysay.

Buuqa ayaa billowday ka dib markii uu guddoomiyaha golaha shacabku isku dayay inuu badelo go’aan uu horay uga soo saaray mudane ka tirsan golaha, balse xubno waday mooshin ka dhan ah guddoomiyaha laftiisu ay kulanka carqaladeeyeen.

Mundaneyaasha laga mamnuucay kulamada golaha shacabka ayaa kala ah:

1) Xil. Maxamed Deeq Barre Cumar (Fiyoore)

2) Xil. Saadaam Maxamuud Cabdi (Jubeer)

3) Xil. Daahir Amiin Jeesow

4) Xil. Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan yare)

5)Xil. Cabdirizaaq Xasan Axmed “Dhookir”

6)Xil. Maxamed Bashiir Cali (Baxnaan)

7) Xil. Axmed Maxamuud Jamac (Buux)

8)Xil. Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi)

9) Xil. Saadaq Cabdullahi Cabdi

10) Xil. Maxamed Cabdiraxmaan Axmed (Xayle)

11) Xil. Mowliid Cabdi Maxamuud

12) Xil. Maxamed Cali Cumar “Caana-nuug”

13) Xil. Faysal Axmed Maxamuud (Wahaabi)

14) Xil. Cali Mahdi Maxamed (Qalato)

15) Xil. Xasan Cabdinuur Cabdi

16) Xil. Cabdirashiid Jire Qalinle

17) Xil. Cabdiraxmaan Axmed Cusmaan (Gurey)

18) Xil. Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed

19) Xil. Dr. Cabdirashiid Maxamed Nur (Jilley

20) Xil. Cabdirashiid Maxamed Xidig