U bood dhigaalka

Guddoomiye Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo Magacawday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Ogoosto 2, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa magacaawday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo guddiga loo xil saaray diyaarinta iyo habsami-u-socodka doorashada Guddoomiyaha Golaha.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in magacaabista guddigan ay salka ku hayso awoodaha dastuuriga ah ee Guddoomiyaha Golaha iyo qodobbada xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa loo magacaabay 9 xubnood oo kala ah:

Xildhibaan Abdirizak Omar Mohamed

Xildhibaan Abdi Ibrahim Warsame (Qowdhan)

Xildhibaan Jawahir Adawe Abdi

Xildhibaan Abdullahi Hussein Ali (Abdalla)

Xildhibaan Nur Ahmed Diriye

Xildhibaan Mukhtar Mohamed Guled

Xildhibaan Abdirahman Mohamed Sheikh

Xildhibaan Khadra Mohamed Tukale

Xildhibaan Abdikarim Mohamed Diriye

Warqadda ayaa sidoo kale tilmaamaysa in guddiga loo xilsaaray diyaarinta, dhaqan-gelinta iyo ku dhaqanka Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo habsami-u-socodka doorashada.