U bood dhigaalka

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) Oo Loo Doortay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

Ogoosto 10, 2026

MUQDISHO — Cabdulqaadir Maxamed Nuur , oo loo yaqaan “Jaamac”, ayaa maanta loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib doorasho ka dhacday Muqdisho.

Doorashadan ayaa noqonaysa mid cusub oo kusoo biirtay taariikhda siyaasadeed ee Cabdulqaadir Maxamed Nuur, kaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay kasoo shaqeeyay xilal kala duwan oo dowladda Soomaaliya ah, isaga oo soo noqday wasiir, taliye ku-xigeen hay’ad amni iyo la-taliye siyaasadeed.

Xildhibaanimo

7-dii Abriil 2026 ayaa Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, iyadoo uu galay siyaasadda baarlamaanka xilli uu Koonfur Galbeed ka jiray isbeddel siyaasadeed oo weyn.

Xilka xildhibaanimo ayaa yimid kaddib markii kursiga uu horay u hayay Isaaq Cali Subugle , iyadoo muddadii xildhibaanimo ee kursigaas ay weli ahayd arrin siyaasadeed oo muran dhalisay qaabka uu kusoo qaatay.

Safaaradda Soomaaliya ee Ankara iyo NISA

Cabdulqaadir Maxamed Nuur wuxuu horay uga soo shaqeeyay Safaaradda Soomaaliya ee Ankara, dalka Turkiga, halkaas oo uu kasoo qabtay shaqooyin diblomaasiyadeed.

Sidoo kale wuxuu noqday Taliye Ku-xigeenka NISA, isagoo ka mid noqday masuuliyiintii kasoo shaqeeyay hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka.

Intii uu siyaasadda ku jiray, wuxuu sidoo kale soo noqday la-taliyaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka, xilli uu guddoonka hayay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Wasiirro uu kasoo noqday xukuumaddii Rooble

Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale xilal wasiirnimo kasoo qabtay xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wuxuu noqday Wasiirka Caddaaladda, xilli Soomaaliya ay ku jirtay marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, gaar ahaan khilaafkii siyaasadeed ee u dhexeeyay madaxweynihii xilligaas, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xilligaas waxaa soo baxay muuqaallo iyo hadallo siyaasadeed oo lagu fasiray inuu si cad ugu dhawaa garabka Ra’iisul Wasaare Rooble.

Waxaa sidoo kale loo bixiyay naaneyska “Madaxa Na Furan”, oo si gaar ah loogu xusuusto muuqaal uu iska duubay xilli ay taagneyd xiisaddii siyaasadeed ee Farmaajo iyo Rooble. Naaneyskaas ayaa markii dambe kusoo noqnoqday hadal-heynta siyaasadda Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga

Cabdulqaadir Maxamed Nuur wuxuu xukuumaddii Rooble ka noqday Wasiirka Gaashaandhigga, isagoo masuul ka noqday wasaarad muhiim ah oo xilligaas wajahaysay arrimo la xiriira amniga, dib-u-dhiska ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Kadib markii Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa mar kale loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga, taas oo muujisay inuu sii watay kaalintiisa siyaasadeed iyo dowladeed.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Xilkiisii ugu dambeeyay ee dowladda federaalka wuxuu ahaa Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, xil uu kaga shaqeynayay arrimaha dekedaha, gaadiidka badda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee la xiriira badda.

Kadib safar siyaasadeed oo soo maray dhinacyo kala duwan—diblomaasiyad, amni, caddaalad, gaashaandhig iyo dekedaha—Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta gaaray mid ka mid ah xilalka ugu sarreeya ee siyaasadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Doorashadiisa Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxay timid xilli uu Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ka baxay xilka guddoomiyaha, kaddib markii uu noqday Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.