U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo dhammaystiray akhrinta koowaad ee heshiiska Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah ka ganacsiga daroogada

Oktoobar 19, 2026

Muqdisho, 19 Oktoobar 2026 – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaystiray akhrinta koowaad ee heshiiska Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah ka ganacsiga sharci-darrada ah ee maandooriyeyaasha iyo walxaha maskaxda saameeya, kaas oo la xiriira heshiiskii caalamiga ahaa ee la ansixiyey 1988-kii.

Kulanka oo ahaa kalfadhiga siddeedaad, kulankiisa 26-aad, ayaa ka dhacay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo uu wehelinayey Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha, Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Heshiiskan oo ay Golaha Shacabka u soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa xildhibaannadu su’aalo ka weydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji Aadan, kaas oo ka jawaabay su’aalihii ay mudanayaashu ka qabeen heshiiska.

Heshiiska Qaramada Midoobay ee 1988-kii ayaa saldhig u ah iskaashiga caalamiga ah ee lagula dagaallamayo ka ganacsiga sharci-darrada ah ee maandooriyeyaasha iyo walxaha maskaxda saameeya.

Dhanka kale, Golaha Shacabka ayaa akhrinta saddexaad mariyey heshiisyada u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsan iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca garsoorka. Warbixinta heshiisyadan waxaa Golaha la wadaagay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal (Geelle).

Sidoo kale, xildhibaannadu waxay akhrinta saddexaad mariyeen Hindise-sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Sharci Lr. 130 ee 2012-kii.

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda, Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullaahi, ayaa Golaha u faahfaahiyey warbixinta akhrinta saddexaad ee hindise-sharciyeedka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulanka soo xiray, isaga oo xildhibaannada uga mahadceliyey ka qaybgalka kulanka iyo gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah.