U bood dhigaalka

Diyaarad ay Leedahay Jubba Airways ayaa Ku Basbeeshay Garoonka Aadan Cadde

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya garoonka Adan Cadde , ee Muqdisho ayaa sheegaya in ay ku dhacday diyaarad ay leedahay shirkadda  Jubba Airways.

Inkasta oo aaney dad wax ku noqon, hadana warar ayaa intaas ku daraya in guud ahaan ayy basbeeshay, oo qolof ahaan u gubatay.

Diyaaraddan ayaa lagu waramayaa in ay ka timid magaalada Baydhabo, oo ah xarunta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur galbeed.

Lama oga sababta dabka, laakin ilo ku sugan gudaha Airportiga ayaa Goobjoog News u sheegay in la damiyey.

Wixii kusoo kordha, halkan kala soco.