U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Dhagaxdhigay Waaxda Caafimaadka Dadweynaha Ee Gobolka Banaadir

Sheeko:Caafimaadka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay xarunta Hawlgalka Degdega ee Caafimaadka Dadweynaha Gobolka Banaadir, taas oo dhismaheeda la hirgelin doono dhowaan sida uu goobta ka sheegay guddoomiyaha.

Dhagax-dhigaan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimaha Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud, Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne iyo Maareeyaha Machadka Caafimaadka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo wehlinayey guddoomiyaha.

Xaruntan ayaa qeyb ka qaadan doonto horumarinta adeegyada Caafimaadka Gobolka Banaadir iyo in ay bulshada helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh, waxaana arrintaan ay qeyb ka tahay hormarinta lagu sameynayo goobaha danta guud ee caasimadda sida uu goobta ka sheegay Guddoomiye Madaale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xaruntaan uu dhagaxdhigay waxaa ay kusoo aadaysaa, iyada oo dhowaan Muqdisho markale dib looga hirgeliyay Bangiga Dhiigga Qaranka, kaas oo loogu talogalay inuu daboolo baahida dhiiga xilliyada loo baahdo, xuruntaan ayaana ah goob kale oo bulshada waxtar u leh.