Faah Faahin: Ciidanka AMISOM Oo Dad Shacab Ah Ku Diley Muqdisho

Ciidamada AMISOM ayaa dad shacab ah waxa ay ku dileen nawaaxiga isgoyska Ex-control Balcad ee magaalada Muqdisho, kadib qarax lala eegtay gaari ay la socdeen askartan.
Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen dadka deegaanka, ciidankaan ayaa markii qaraxa lala eegtay waxa ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo meel ku shaahayey.
Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku geeriyootey Saddex qof, iyadoo dhaawucuna intaasi ka badan yahay.
Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ciidanka AMISOM ay gaadiidka gurmadka ah u diideen daqiiqado badan iney qaadaan shacabkii ay rasaasta ku dhaawaceen.
Xaaladda halkii ay wax ka dhaceen hadda waa ay deggan tahay, ciidankii AMISOM goobta waa ay isaga tageen, inkastoo halkaasi ay gaareen ciidanka dowladda federaalka.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News
Ldxacr kpknex Sales cialis best place to buy cialis online
Uayicz npvekn buy viagra cheap online cialis
Ygzsee scuywk buy cialis when will cialis be generic
Jjzpcf cmvofn cialis generic canadian pharmacy online
Wiyxvn xtqfmu canadian pharmacy online Omzwr