4.4 milyan oo qof oo Soomaali ah oo qarka u saaran xaalad nafaqo daro iyo digniin laga soo saaray Tirada dadka la kulmaya heerarka macaluusha ba’an ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay kor u kacdo ilaa 4.4 milyan inta u dhaxaysa Oktoobar iyo Diseembar, sida uu sheegay Xafiiska Isku-dubbaridka Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) Isniintii. 2 daqiiqo
2 daqiiqo Qatar oo dalalka Caalamka ugu baaqday xoojinta taageeradooda Soomaaliya Qatar ayaa ugu baaqday bulshada caalamka inay sii wadaan oo kordhiyaan bixinta gargaarka bani’aadminimo iyo horumarineed iyo caawinta farsamo si loo xoojiyo dadaallada dhisidda awoodda xuquuqda aadanaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo fulinta waajibaadka qaran iyo kuwa caalami ah iyada oo la waafajinayo mudnaanta qaranka.
2 daqiiqo Kulan Looga Hadlay Mashaariicda ay Hay’adda Dowladda Maraykanka u Qaabilsan Arrimaha Gargaarka ee USAID oo lagu Qabtay Muqdisho. Kulanka oo ay qeyb-galeen masuuliyiin ka socda Wasaaradda qorshaynta qaranka iyo saraakiil sar sare oo hay’adda ka tirsan ayaa waxaa lagu soo bandhigay qeymayn iyo kormeer ay Wasaaraddu ku samaysay mashaariicda hormarineed .
1 daqiiqo Midowga Yurub oo Sheegay Walaac Xooggan Ka Muujiyay Diidmada Israel ee Gargaarka Qaza Sarkaal ka tirsan Masuuliyiinta arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in ku guuldaraysiga in la fududeeyo gargaar la geeyo marinka ay ka dhigan tahay xukun dil ah oo lagu xukumay Falastiiniyiinta.
2 daqiiqo Dowladda Turkiga oo Gargaar u Dirtay Qaza Xilli Laga Cabsi Qabay Majaaco Ka Dilaacda Xilli ay dadka reer Qasa wajahayaan macaluul baahsan oo ka dhalatay dagaalka bishii 7-aad oo xariir ah ku socdaa ayaa Maanta oo Talaado ah, waxay dowladda turkigu qasa u dirtay markabkii sagaalaad oo gargaar bini’aadannimo.
2 daqiiqo Hey’adda WFP oo Lix Bilood Kadib Gargaar Gaarsiisay Daarfuur iyo Macluul Baahsan oo Gobolka Ka Jirta Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ka digtay in dagaalka ka socda Sudaan uu halis ugu jiro in uu abuuro dhibaatadii ugu darnayd ee macaluul ah, waxaana xaaladdii ugu adkeyd ay ka taagan tahay gobolka Daarfuur.
2 daqiiqo Israel oo Lagu Eedeeyay Joojinta Gargaar Ku Socday Gaza iyo Qaramada Midoobay oo Macluul Ka Digtay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa weerar Afka ah ku qaaday Israa’iil Axaddii, isagoo ku dooday in “argagax iyo gaajo ay daba socdaan dadka Gaza” iyo in Israa’iil oo keliya ay meesha ka saari karto .
1 daqiiqo Muxuu Ahaa Ajandaha ay Kawadahadleen Safiirka China iyo Ku-xigenka Hey’adda Sodma Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed, Md. Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa maanta kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Dowladda Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya H.E Fei Shengchao.
2 daqiiqo Dowladda Imaaraad oo Deeq Gargaar ah Ku Wareejisay Hey’adda Maareynta Musiibooyinka (SODMA) Hay’adda maareynta musiibooyinka ee SoDMA, ayaa maanta munaasabadd Kooban oo ka dhacday Garoonka Aadan Cade waxa ay dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegtay Shixnad gargaar ah oo ka kooban qaybaha kala duwan.