U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Madaale ayaa Ankara Kula Kulmay Dhiggiisa Magaaladaas Mudane Mansur Yavaş.

Sheeko:Caalamka

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiya ayaa kulan la qaatay dhiggiisa magaalada Ankara Mudane Mansur Yavaş kadib markii uu casuumad rasmi ah ka helay.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Benaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Agaasimaha Xariirka Dibadda iyo Hay’addaha Caalamiga ee Maamulka Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka Benaadir.

Kulanka ayaa waxaa loogu hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada magaalo iyo dib u soo nooleynta mataaneyntii ay lahaan jireen Muqdisho iyo Ankara laga soo billaabo sannadkii 1989, taas oo qeyb ka ah in labada magaalo ay isdhaafsadaan waxyaabo kale duwan isaga oo Turkigu mashaariic uu horey uga fuliyay Muqdisho.

Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Turkiga waxa uu la kulmi doonnaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Ddwladda Turkiya iyo hay’addo dhowr ah oo ka shaqeeya arrimaha horumarinta, kuwaas oo uu kala hadli doono kordhinta taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Mawduucyada:Banaadir