U bood dhigaalka

Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo Ayidday Xukun Dil oo lagu ridday Labo Walaalo ah

Sheeko:Amniga

Maxkamadda sare ee ciidamada ayaa maanta ayidday xukun dil oo horay loogu riday labo walaalo ah oo lagu eedeeyay dil askari booliis ah, xilli ay labada dhinac ay murmeen, taas oo keentay dilka askariga Booliiska ah.

Cabdulaahi Cabdi Mustaf ayaa lagu soo Eedeeyay dil bareer ah uu u geystay Dable Boolis Cabdikariin Ibraahin Cali (Awdaango) halka Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf loo soo xiray gacansiin danbi ka dib markuu dilaaga u dhiibay qoriga uu dilka ku geystay marxuumka kala tirsanaa ciidanka ammaanka.

Cabdulaahi Cabdi Mustaf oo ka carooday weydiinta Booliska ee warqada fasaxa CID Mooto-Feykoon uu watay ayaa danaano ahaan ugu yeertay walaalkiis Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf oo ka titsan taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir isla markaana uu u dhiibay qorigii lagu dilay marxuum.

Dable Boolis Cabdikariin Ibraahin Cali ( Awdaango) oo xiligaas ku sugnaa barta gaadiidka lagu hubiyo ee wadada Afisooni 19-kii bishii December ee 2022, waxaa maxkamadda la horkeenay cadeymo iyo sidoo kale marqaatiyo laga qoray hakii uu dhibka dilka ah ka dhacay sida laga hor cadeeyay fadhiga
Garsoorka Maxkamdda Darajada Koowaad ee Ciidmadda oo dhageystay dhinacyada dacwadda ayaa labo iyo labaatankii bishii February ee sanadkan ku xukuntay Cabdulaahi Cabdi Mustaf Dil toogasho tasoo ah qisaasta marxuum Cabdikariin Ibraahin Cali ( Awdaango) halka Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay Afar sano oo xabsi ciidan ah, taas oo ah inuu ku lug lahaa diga la geystay.

Marka xukunka la riday kadib, Qareenada Eedeysanayaasha ayaa racfaan u qaatay Maxkamda Sare ee Ciidmadda oo iyana kiiskan mar kale dhageysatay 1-dii bishan, ayaa ugu dambeyn ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Cabdulaahi Cabdi Mustaf, halka Dable boolis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay mar kale Afar sano oo xabsi ciidan ah, Sida uu warbaahinta la wadaagay Janaraal Liibaan CalI Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada.

Mawduucyada:Banaadir