1 daqiiqo Sheeko:War Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed oo magacaabay guddi dib u heshiisiin Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa magacaabay Guddiga Dib-u-heshiisiinta iyo Xallinta Khilaafaadka maamulkaasi.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Wax ka ogow sida dagaalka Iiraan uu u saameeyay duulimaadyada caalamka Warbixin cusub oo ay daabacday Financial Times ayaa muujisay in dagaalka iyo xiisadaha ka taagan Iiraan ay si weyn u saameeyeen warshadaha duulimaadyada caalamka, kaddib markii yaraanta shidaalka diyaaradaha iyo kororka kharashaadka hawlgalka ay sababeen jahwareer ballaaran oo ku yimid jadwallada duulimaadyada.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ruushka oo ku dhawaaqay xabbad-joojin ku meel gaar oo dagaalka Ukraine ku saabsan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ruushka ayaa shaacisay in Madaxweyne Vladimir Putin uu amar ku bixiyay xabbad-joojin ku-meel-gaar ah oo laga hirgeliyo furimaha dagaalka ee Ukraine inta u dhexeysa 8-da ilaa 9-ka May, xilli Ruushku isu diyaarinayo munaasabadda Maalinta Guusha ee sanad walba lagu xuso guushii laga gaaray Nazi-ga dagaalkii labaad ee aduunka.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Muxuu yahay hawlgalka halista badan ee lagu ammaanay booliska Koonfur Afrika ? Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa si weyn loogu ammaanay kadib markii ay fuliyeen howlgal adag oo khatar badan, kaas oo lagu soo qabtay yaxaas la rumeysan yahay inuu liqay ganacsade muddo ka maqnaa qoyskiisa.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Trump oo shaaciyay in maraakiib calanka Mareykanka wata ay ka gudbeen marinka Hormuz Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in laba markab oo ganacsi oo wata calanka Mareykanka ay si guul leh uga gudbeen marinka muhiimka ah ee Hormuz, xilli xiisad militari iyo mid ganacsi ay weli ka taagan tahay gobolka.
1 daqiiqo Sheeko:Warar & Warbixino Dawladda Ingiriiska oo soo dhowaysay gogashii uu dhowaan madaxweyne Xasan Sheekh u fidiyay mucaaradka Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhowaysay gogaahii uu dhowaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u fidiyay siyaasiyiinta mucaaradka, asagoo sheegtay in wada-hadalladu ay muhiimad gaar ah leeyihiin xilligan kala guurka ah.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Muxuu yahay qorshaha cusub ee Trump uu ku wajahayo Marinka Hormuz ? Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa ku dhawaaqay howlgal cusub oo loogu magac daray “difaaca xorriyadda ”, kaas oo lagu sheegay in Maraakiibta ku xaniban marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz laga caawin doono inay si nabad ah uga gudbaan laga bilaabo maanta oo Isniin ah.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Trump oo si adag uga jawaabay qorshaha cusub ee Iiraan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dib u eegayo qorshaha cusub ee Iiraan soo bandhigtay, balse wuxuu muujiyay shaki weyn oo ku saabsan suura-galnimada heshiis degdeg ah.
2 daqiiqo Sheeko:TAARIIKHNOLOLEED Kumuu ahaa Hanny Shaker: Fannaanka ay geeridiisu dunida Carab gilgishay? Dunida fanka Carabta ayaa maanta waysay mid kamid ah fannaaniintii ugu caansanaa, kaas oo ahaa Hany Shaker, oo loo yiqiin “Amiirka Heesaha Carabta”
1 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Doorashada Guddiga madax-bannaan ee doorashooyinka oo shaaciyay jadwalka doorashooyinka dowlad goboleedyada Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta oo taariikhdu tahay 3-da May 2026 si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashooyinka dowlad goboleedyada dalka, iyadoo la sheegay in doorashooyinku u dhici doonaan marxalado kala duwan laga bilaabo bishan May ilaa bisha August ee sanadkan.