U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Magaalada Xudur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi wasiiro iyo xildhibaano uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow soo gaaray magalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Xudur ku soo dhoweeyay wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed iyo bulshada qeybaheeda kale duwan.

Waxaa sidoo kale soo dhoweynta qeyb ka ahaa maamulka gobolka Bokool iyo kan degamadda. Safarka Guddoomiyaha ayaa ujeedkiisu yahay sidii Koonfur Galbeed loogu bilaabi lahaa dagaalka dalka looga Al-shabaab, xilli madaxweynaha la filayo inuu soo gaaro.

Safarka guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli madaxweynaha Jamhuuriyadda shalay galinkii dambe uu gaaray magaalada Baydhabo, isaga oo kulan uu la qaatay madaxda iyo duubabka dhaqanka kala hadlay dardargelinta dagaalka.

Goobjoog News