Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta ee Soomaaliya, Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa sheegay in dawladdu ay baadi-goobayso istiraatiijiyad ballaaran oo ku aaddan horumarinta magaalooyinka, taasi oo ay ujeeddadeedu tahay xoojinta guryeynta, kaabayaasha dhaqaalaha iyo u-gogol-xaarista adkeysiga isbeddelka cimilada, xilli dalku uu ka soo kabanayo colaado sanado jirsaday iyo saameynta isbeddelka cimillada.