2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Qaramada Midoobay oo sheegtay inay howlgab noqatay mid kamid ah warshadihii laf-dhabarta u ahaa nukliyeerka Iiraan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerka nukliyeerka (IAEA) ayaa sheegtay in warshadda biyaha culus ee Khondab ee dalka Iiraan ay gebi ahaanba joojisay shaqadii kadib markii uu soo gaaray burbur xooggan oo ka dhashay weerar ay Israa’iil ku qaaday 27-kii bishan Maarso.
1 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Amniga Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay in la adkeeyay amniga Baydhabo, xilli ay ciidanka DFS kaabaiga u joogaan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan Booliisku ay si buuxda u sugayaan amniga guud ahaan ee magaalada Baydhabo, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay qorshe looga hortagayo tillaabooyinka ay qaadayso DFS.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Pakistan oo sheegtay inay marti-gelinayso wada-hadallo lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan Dowladda Pakistan ayaa sheegtay inay diyaarinayso martigelinta wada-hadallo macno leh oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan, xilli xiisaddu ay cirka isku shareertay guud ahaan Bariga Dhexe.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Wariyaal ku geeriyooday duqeyn ay Israa’iil ka fulisay gudaha Lubnaan Ugu yaraan saddex wariye oo u dhashay dalka Lubnaan ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israa’iil, sida ay sheegayaan ilo rasmi ah iyo warbixinno warbaahineed.
1 daqiiqo Sheeko:Golaha Shacabka Guddoonka golaha Shacabka oo beeniyay inuu jiro mooshin ka dhan ah Madaxweynaha JFS Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, loo gudbiyay Golaha Shacabka
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Xuutiyiinta Yemen oo weerar gantaallo ah ku qaaday Israa’iil Militariga Israa’iil ayaa aroornimadii Sabtida sheegay inay ogaadeen gantaal laga soo tuuray Yemen, taasoo noqoneysa markii ugu horreysay ee weerar noocan ah uu ka yimaado Yemen tan iyo markii uu qarxay dagaalka hadda socda.
1 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Doorashada Koonfur Galbeed oo shaacisay liiska Xildhibaannada cusub ee Maamulkaas Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka maamulkaas, kuwaas oo gaaraya 95 xubnood, ayagoo noqanaya Baarlamaankii saddexaad ee uu yeesho maamulkaasi tan iyo markii la aas-aasay.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ciidanka Mareykanka oo khasaare xooggani ka soo gaaray Weerar ay Iiraan ku qaaday saldhig ay ku leeyihiin Sucuudiga Ugu yaraan 12 askari oo Mareykan ah ayaa ku dhaawacmay weerar milatari oo ay Iiraan ku qaaday saldhigga cirka ee Prince Sultan Air Base ee dalka Sacuudiga, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanku.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Madaxweynaha Turkiga oo ku tilmaamay dagaalka Iiraan duullaan ka dhan ah dunida Islaamka Recep Tayyip Erdoğan, Madaxweynaha Turkey, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda ka taagan Bariga Dhexe, isagoo cambaareeyay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Iiraan, kuna tilmaamay duullaan si toos ah loogu beegsanayo dalalka Islaamka.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Iiraan oo sheegtay in ay ka fiirsanayso wada-hadal ay gasho Mareykanka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in dowladdiisu ay dib u eegis ku samaynayso soo jeedin uu Maraykanku u gudbiyay si loo soo afjaro dagaalka ka socda gobolka, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in aanay jirin wada-hadal toos ah oo u dhexeeya labada dal.