1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Turkiga oo qorshaynaya soo saarista tangaal casri ah oo nooca qaaradaha isaga gudba ah Dowladda Turkey ayaa si rasmi ah u shaacisay mashruuca gantaalka riddada dheer ee loo bixiyay “Yıldırım Khan”, kaas oo lagu sheegay inuu yahay gantaalkii ugu horreeyay ee Turkiga ee heer qaarado isaga gudbi kara ah.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Kuuriyada Waqooyi oo sheegtay inay ka baxday heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga faafinta hubka nukliyeerka Dowladda North Korea ayaa markale ku celisay inay si rasmi ah uga baxday heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga faafinta hubka nukliyeerka ee loo yaqaan NPT, iyadoo sheegtay inaysan jirin wax cadaadis dibadeed ah oo beddeli kara awooddeeda nukliyeerka.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ciidanka badda Pakistan oo gurmad degdeg u fidiyay markab laga leeyahay dalka Hindiya oo ciladi qabsatay Ciidamada badda ee dalka Pakistan ayaa gurmad degdeg ah u fidiyay markab laga leeyahay dalka Hindiya oo cilad farsamo oo halis ah ku qabsatay badda Carabta, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay milatariga Pakistan.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Trump oo ku dhawaaqay inuu joojiyay hawlgal uu ku doonayay in lagu furo marinka Hormuz Mareykanka ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay howlgalka militari ee uu ugu magac daray “Difaaca Xorriyadda ”, kaas oo loogu talagalay in maraakiibta ku xaniban marin-biyoodka Hormuz looga gudbiyo, sida uu shaaciyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Wax ka ogow sida dagaalka Iiraan uu u saameeyay duulimaadyada caalamka Warbixin cusub oo ay daabacday Financial Times ayaa muujisay in dagaalka iyo xiisadaha ka taagan Iiraan ay si weyn u saameeyeen warshadaha duulimaadyada caalamka, kaddib markii yaraanta shidaalka diyaaradaha iyo kororka kharashaadka hawlgalka ay sababeen jahwareer ballaaran oo ku yimid jadwallada duulimaadyada.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ruushka oo ku dhawaaqay xabbad-joojin ku meel gaar oo dagaalka Ukraine ku saabsan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ruushka ayaa shaacisay in Madaxweyne Vladimir Putin uu amar ku bixiyay xabbad-joojin ku-meel-gaar ah oo laga hirgeliyo furimaha dagaalka ee Ukraine inta u dhexeysa 8-da ilaa 9-ka May, xilli Ruushku isu diyaarinayo munaasabadda Maalinta Guusha ee sanad walba lagu xuso guushii laga gaaray Nazi-ga dagaalkii labaad ee aduunka.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Muxuu yahay hawlgalka halista badan ee lagu ammaanay booliska Koonfur Afrika ? Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa si weyn loogu ammaanay kadib markii ay fuliyeen howlgal adag oo khatar badan, kaas oo lagu soo qabtay yaxaas la rumeysan yahay inuu liqay ganacsade muddo ka maqnaa qoyskiisa.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Trump oo shaaciyay in maraakiib calanka Mareykanka wata ay ka gudbeen marinka Hormuz Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in laba markab oo ganacsi oo wata calanka Mareykanka ay si guul leh uga gudbeen marinka muhiimka ah ee Hormuz, xilli xiisad militari iyo mid ganacsi ay weli ka taagan tahay gobolka.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Muxuu yahay qorshaha cusub ee Trump uu ku wajahayo Marinka Hormuz ? Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa ku dhawaaqay howlgal cusub oo loogu magac daray “difaaca xorriyadda ”, kaas oo lagu sheegay in Maraakiibta ku xaniban marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz laga caawin doono inay si nabad ah uga gudbaan laga bilaabo maanta oo Isniin ah.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Trump oo si adag uga jawaabay qorshaha cusub ee Iiraan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dib u eegayo qorshaha cusub ee Iiraan soo bandhigtay, balse wuxuu muujiyay shaki weyn oo ku saabsan suura-galnimada heshiis degdeg ah.