2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Maxkamad ku taalla dalka Suuriya oo dil ku xukuntay Bashaar Al-Asad iyo saraakiil hore Maxkamadda Dambiyada ee magaalada Dimishiq ayaa soo saartay xukunno culus oo ka dhan ah madaxweynihii hore ee Suuriya Bashaar Al-Asad iyo saraakiil kale oo ka tirsanaa nidaamkiisii, iyadoo maxkamaddu ku heshay dambiyo ay ka mid yihiin dil, jirdil, afduub, xorriyad ka qaadis iyo falal ay ku tilmaantay dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada iyo dambiyo dagaal.
3 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Dagaalka Iran oo banaanka soo dhigay yaraanta kaydka hubka Mareykanka Dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ayaa soo bandhigay caqabado waaweyn oo ku saabsan kaydka hubka iyo awoodda warshadaha difaaca Mareykanka, iyadoo saraakiil iyo khubaro dhinaca ammaanka ah ay ka digayaan in isticmaalka joogtada ah ee gantaallada iyo hubka casriga ah uu hoos u dhigay kaydkii Pentagon-ka.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Iiraan oo baahisay muuqaal cusub oo laga duubay Hoggaamiyaha Sare Mojtaba Khamenei Warbaahinta Iiraan ayaa baahisay muuqaal naadir ah oo lagu arkayo Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei, xilli ay sii socdeen su’aalaha iyo hadal-heynta ku saabsan xaaladdiisa iyo maqnaanshihiisa muuqaalka dadweynaha.
3 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Turkiga oo sheegay in heshiiska difaaca ee Maka uusan Iran bartilmaameedsanayn Turkiga ayaa sheegay in heshiiska cusub ee difaaca ee ay wada saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan aanu si gaar ah uga dhan ahayn Iiraan, inkastoo heshiiskaasi uu xambaarsan yahay qodob dhigaya in weerar hubaysan oo lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo tixgelin doono weerar lagu qaaday dhammaantood.
3 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Baarlamaanka Uganda oo Ansixiyay Ciidamo Loo Diro marinka Qasa Baarlamaanka Uganda ayaa ansixiyay qorshe dowladda dalkaasi u oggolaanaya inay ciidamo u dirto Marinka Gaza, si ay uga qaybqaataan ciidanka caalamiga ah ee loo qorsheeyay xasilinta Qasa.
3 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Dagaalka Suudaan oo Halis Geliyay Mustaqbalka Jiil Dhan iyo Qaramada Midoobay oo Digniin Culus Soo Saartay Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in dagaalka sokeeye ee ka socda Suudaan uu halis weyn ku yahay mustaqbalka jiil dhan oo carruur ah, iyadoo in ka badan 8 milyan oo carruur ah oo da’doodu tahay da’da waxbarashada ay hadda ka maqanyihiin iskuullada.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Maxaa laga filan karaa kulanka hoggaamiyaasha Sacuudiga, Pakistan, iyo Turkiga? Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa saaka booqasho hal maalin ah ku tagay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu kulamo kula yeelanayo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif.
3 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Xiisadda Cusub eeTigrey iyo saameynteeda gobolka Inkastoo heshiiskii nabadda ee Pretoria ee la saxiixay bishii Nofeembar 2022 uu soo afjaray dagaalkii labada sano socday ee u dhexeeyay dowladda federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigraay (TPLF), haddana gobolka Tigraay ayaa mar kale wajahaya xiisado siyaasadeed iyo kuwo militari oo sii xoogeysanaya.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Madaxweynaha Iiraan ayaa sheegay in ay adagtahay inuu la xiriiro Hoggaamiyaha Sare ee dalkaas Mojtaba Khamenei Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa sheegay in wada-xiriirka uu la leeyahay Hoggaamiyaha Sare ee dalka, Mojtaba Khamenei, uu haatan yahay mid aad u adag, taas oo muujinaysa caqabado ka jira heerarka ugu sarreeya ee hoggaanka Iiraan.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Midowga Yurub oo Heshiis ka Gaaray Xiisaddii Ka Dhalatay Siyaasadda Spain ee Ceuta Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee Midowga Yurub ayaa magaalada Brussels ku soo gabagabeeyay shir xasaasi ah oo looga hadlayay siyaasadda socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha, kaddib toddobaadyo ay socotay kala-qeybsanaan diblomaasiyadeed oo ka dhalatay tallaabooyinkii Spain ka qaaday maamulka xuduudda Ceuta.