Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, oo ku sugan magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari, ayaa isticmaalay xuska 63-aad ee Maalinta Xorriyadda Kenya ee Madaraka Day si uu raaligelin naadir ah oo toos ah ugu jeediyo shacabka ku nool gobollada Waqooyiga Kenya, dhibaatadii iyo takooriddii (marginalisation) dhanka horumarka ah ee ay kala kulmeen dowladdii dhexe muddo tobanaan sano ah.